Laacibiin Ciyaaraha looga joojiyey dagaalka Xamaas & Israa’iil dartiis

Xubno ka tirsan xisbiga Christian Democratic Union of Germany, oo ah xisbi muxaafid ah, ayaa dalbaday in Noussair Mazraoui laga saaro kooxda Bayern Munich iyo dalkaba ka dib markii uu taageeray Gaza.

Dhowr ciyaartoy oo kubbadda cagta Morocco ah ayaa ka dhawaajiyay inay is garab taagan yihiin Gaza iyagoo adeegsanaya baraha bulshada, taasoo ka dhigaysa inay mar kale bartilmaameed u noqdaan dhaleecaynta warbaahinta qaar.

Noussair Mazraoui, ciyaaryahan U safta xulka qaranka Morocco iyo daafaca Bayern Munich, ayaa ku baahiyay Instagram-ka muuqaal halkaasoo uu “guul” u rajeeyay Falastiiniyiinta oo wajahaya dagaal cusub oo ka dhan ah Israa’iil ah.

Dhammaadkii isbuucii hore, cayaartoyga qaranka Marooko ayaa iyaguna baahiyay muuqaal gaaban oo muujinaya sawirka calanka Falastiin iyagoo lulaya waxa la maqlayay cod u eg in ay u duceynayaan. “Ilaahay ha u gargaaro walaalaheenna lagu dhibaateynayo Falastiin si ay guul u gaaraan, intii dhimatay Alle ha u naxariisto. , Illahay ha caafiyo intii ku dhaawacantay.

Sheekada Mazraoui ayaa durba dhalisay dhaleeceyn ballaaran oo ka dhan ah ciyaaryahanka reer Morocco, iyadoo qaar badan oo ka mid ah warbaahinta Jarmalka ay ka codsadeen sharaxaad rasmi ah kooxdiisa Bayern Munich.

Dhanka kale, xubno ka tirsan xisbiga Christian Democratic Union of Germany, oo ah xisbiga muxaafidka, ayaa dalbaday in laga saaro kooxda iyo dalkaba.

Mazraoui ayaa sheegay in uu mar walba ka shaqayn doono nabadda iyo cadaaladda. “Tani waxay la macno tahay inaan mar walba ka soo horjeedo dhammaan noocyada argagixisanimada, nacaybka iyo rabshadaha. Taasina waa wax aan mar walba garab istaagi doono,” ayuu yiri. Jarmalku waxay laba jibaareen dhaleeceynta Mazaroui, iyagoo sheegay inuu ku guul daraystay inuu cambaareeyo ” Xamaas”.

Toddobaadkii hore, FC Bayern waxay shaacisay qoraal ay ku soo qortay barta X ee loo yaqaanay twitter “Waxaan ka walaacsannahay saaxiibadayada Israa’iil, waxaana rajeyneynaa nabad ku wada noolaanshaha dhammaan dadka ku nool Bariga Dhexe.” Kooxda ayaa lagu soo waramayaa inay diideen inay ka hadlaan mowqifka Mazraoui.