Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Clrashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hogaamninayo ayaa dhowaan waxa ay gaareen dalka Talyaaniga iyagoo halkaasi kulamo kula qaadanayay madax ka socotay dalkaasi.
Kulankan oo ay soo qaban qaanisay dowladda Taliyaaniga ayaa waxaana ka qeyb galay Ra’iisul wasaarayaasha dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo wasiiro ka tirsan labada dowladood.
Shirka ayaa waxaa furay wasiirada arimaha dibadda dalalka Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyadoo ay ka qeybgaleen 300 oo mas’uul oo ka kala socda labada dal isla markaana shirka uu ahaa mid looga hadlayay sidii dowladda Talyaaniga ugu qeyb qaadan la heyd dib u dhiska Soomaaliya.
Ra’iisulwasaaraha dalka Talyaaniga Matteo Renzi, oo shirka gabagebadiisa ka hadlay ayaa balan qaaday in xukuumadiisu ay Soomaaliya ku bixin doonto lacag dhan 286 oo Euro oo lagu maalgelin doono wadanka.
Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali, ayaa dhankiisa dowladda Talyaaniga ugu mahadceliyay taageerada ay siiso dalka Soomaaliya.


