Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM, ayaa sheegay in 19 ka mid ah ciidamada Al-Shabaab ay Arbacadii ku dileen iska horimaad ka dhacay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.
Af-hayeenka milateriga Kenya Col. David Obonyo ayaa sheegay in dagaalka 19 Al-shabaab ah ay ku dileen sidoo kalana ay ka qabsadeen hal Gaari, 10 qori oo AK-47 ah, Garneyl garabka laga tuuro iyo 3 Baasuuke.
“Kooxda Alshabaab ayaa isku dayay in ay weerar ku soo qaadaan saldhig isla markiiba waxaa ka hortagay ciidanka dalka Kenya ciidanka hadda rondo ayay ku jiraan,” ayuu hadalkiisa ku daray.
War saxaafadeedka ka soo baxay ciidanka KDF ee dalka Kenya laguma sheegin haddii uu jiro khasaare soo gaaray ciidanka Kenya AMISOM.
Ururka Al-Shabaab dhankooda wax war ah kama soo bixin oo ku aadan Sheegashada Kenya ee ah inay dileen 19 dagaalyahan oo Shabaab ka tirsan.