DHAGEYSO: Cadde Muuse” Dagaal siyaasadeysan ayaa lagu soo qaaday Puntland”

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland General Cadde Muuse Xirsi ayaa ka hadlay dagaalada ka socda deegaano ka tirsan maamulka Puntland.

Cadde Muuse waxa uu sheegay Puntland in lagu soo qaaday dagaal siyaasadeesan oo dano gaar ah laga leeyahay isagoo tilmaamay in ay jiraan dad ka shaqeynaya in ay jiraan duminta maamulka Puntland balse sida uu sheegay in maamulka Puntland iyo shacabka looga baahan yahay in ay u tafaxeetaan oo ay ka qeyb qaataan sidii ay uga hortagi la haayeen Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigay.

Ururka Al-shabaab ayaa la soo sheegayaa in ay ku sugan yihiin in ay ku sugan yihiin deegaano ka tirsan gobolka Nugaal, gaar ahaan godka Suuj halkaasi oo ay kula dagaalamayaan ciidamo ka tirsan maamulka Puntland.