Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan nuuca doorasho ee la filaayo in dalka Soomaaliya ay ka dhacdo sanadkan gudihiisa, iyadoona uu tilmaamay in dhowaan laga gaari doono xal buuxa.
Waxaana dhanka kale uu sheegay inta aan la gaarin bisha May in la filaayo in heshiis weyn laga gaaro nuuca doorasho ee dalka ka dhici doonta.
Dowladda Soomaaliya ee hada shaqeysa waqtigeeda waxaa ka haray mudo 5 bilood ah waxaana siyaasiyiinta qaar ay qabaan in aanay muuqan ifafaalo dalka ay doorasho uga dhaceyso marka loo eedo sharciga doorashooyinka,Iyo arimo kale oo ku xeeran doorashooyinka oo aysan dowladda si rasmi ah aysan u shaacin.


