Taliyihii NISA oo xil cusub loo magacaabay

Muqdisho-RisaalaFM- Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow xil ka qaadis ku sameeyey Taliyihii Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka NISA C/raxmaan Maxamed Tuuryare.

Madaxweynaha ayaa xilka qaadista taliyaha u cuskadey qodobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka KMG, iyo isagoo tixgelinaya baahi la xiriirtey in isbeddel lagu sameeyo Hoggaanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka.

Isla Xeerkan ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha, ayaa waxaa si KMG ah xilka Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA, loogu magacaabay C/laahi Gaafow Maxamuud.

Taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka, C/raxmaan Maxamed Tuuryare, ayaa waxaa loo magacaabey in uu noqdo La-Taliyaha Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha.

Xeerkan ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa dhaqangalayaa maanta oo taariikhdu ay tahay 14 June 2016.