DHAGEYSO: Wasiir Ciid oo Xariga ka jaray Sheybaar lagu baarayo tayada Xoolaha

Muqdisho-RisaalaFM- Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumada Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid ayaa Maanta Xariga ka jaray Xarunta Dhexe ee sheybaarka Xoolaha Soomaaliya.

Wasiirka oo warbaahinta la hadlay ayaa sharaxay muhiimada Sheybaarkan uu u leeyahay soomaaliya iyo kaalinta uu ka qaadanaya hormarinta Xoolaha.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Wasaarada Xanaanada Xoolaha ay dadaal dheeri ah ku bixisay furitaanka Xaruntaan.

Dhowr iyo 20-kii sano ee ugu dambeysay dalka Soomaaliya ma lahayn Xarun sheybaar oo lagu baaro tayada Xoolaha dalka laga dhoofinayo.