Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug waxaa goordhow gaaray Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya Tigabu Yilma & Saraakiil la socota,iyada oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.
Taliyaha oo u dhashay dalka Itoobiya ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee Magalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Taliyaha Qaybta 21aad iyo Taliyaha Danab ee 21aad ee Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in haatan uu kulan Magalada Dhuusamareeb uga socdo Guud ee Ciidamada AMISOM Soomaaliya Tigabu Yilma iyo Xubno Wasiiro ah oo uu ka mid yahay Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale oo maalmahaan ku sugan Magalada Dhuusamareeb.
Wararka kusoo kordha safarka uu Maanta Dhuusamareeb ku tegay Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM kala socda www.radiorisaala.com



