Hay’adda Caalamiga ah ee Badaha (IMO) ayaa walaac xooggan ka muujisay xaaladda bini’aadantinimo ee ka taagan markabka MT Honour 25, kaas oo ay burcad-badeed ku afduubteen xeebaha Soomaaliya, iyadoo sheegtay in shaqaalaha saaran markabkaasi ay muddo ka badan laba bilood ku jiraan gacanta afduubayaasha.
War-saxaafadeed ay IMO soo saartay ayaa lagu sheegay in xaaladda badmaaxyada ay si degdeg ah uga sii dareyso, xilli ay sii yaraanayaan cuntada, biyaha iyo adeegyada caafimaad ee ay heli karaan.
Hay’addu waxay sheegtay in guud ahaan 44 badmaax oo saaran saddex markab oo kala ah MT Honour 25, Eureka iyo Sward ay weli ku jiraan gacanta burcad-badeed iyo kooxo hubeysan oo ku sugan biyaha Soomaaliya.
Sida lagu sheegay warbixinta, kabtanka markabka MT Honour 25 ayaa farriin toos ah u diray beesha caalamka, isagoo xaqiijiyay in dhammaan shaqaalihii markabka ay weli nool yihiin, balse shan ka mid ah ay la ildaran yihiin xaalado caafimaad, kuwaas oo uu ku jiro kabtanka laftiisa.
Waxaa sidoo kale la sheegay in sahaydii cuntada ay ku soo koobantay bariis keliya, halka biyaha la heli karo lagu tilmaamay kuwo aan ku habboonayn cabitaanka.
IMO ayaa sidoo kale walaac ka muujisay xaaladda shaqaalaha saaran maraakiibta Eureka iyo Sward, kuwaas oo iyaguna weli lagu haysto xeebaha Soomaaliya kaddib afduubyo kala duwan oo dhacay intii u dhexeysay bilihii April iyo May.
Hay’addu waxay tilmaantay in saddexdan dhacdo ay qeyb ka yihiin kororka weerarrada burcad-badeedda iyo dhaca hubeysan ee ka soo cusboonaaday Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. IMO ayaa sheegtay in saddexdii bilood ee la soo dhaafay oo keliya la diiwaangeliyay 24 weerar iyo isku dayo burcad-badeednimo oo ka dhacay gobolkaas.
Xoghayaha Guud ee IMO, Arsenio Dominguez, ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya, dowladaha ay maraakiibtu ka diiwaangashan yihiin, shirkadaha iska leh maraakiibta, shirkadaha caymiska, hay’adaha gargaarka iyo beesha caalamka inay si degdeg ah u xoojiyaan dadaallada diblomaasiyadeed, bani’aadantinimo iyo kuwa amni si loo xaqiijiyo sii deynta badmaaxyada lagu haysto xeebaha Soomaaliya.
Waxa uu ka digay in dib u dhac kasta uu sii kordhin karo khatarta ku wajahan nolosha, caafimaadka iyo badqabka shaqaalaha weli ku jira gacanta afduubayaasha.
IMO waxay sheegtay in xaaladdan ay mar kale muujinayso in khatarta burcad-badeednimada ee xeebaha Soomaaliya iyo marin-biyoodka ku dhow aysan weli dhammaan, islamarkaana loo baahan yahay feejignaan iyo iskaashi caalami ah oo joogto ah si loo badbaadiyo badmaaxyada iyo maraakiibta maraya marinadaasi muhiimka ah.



