Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Guutada 11 aad qeybta 43 aad, Ciidamada Daraawiishta Maamulka Jubbaland & kuwa sida gaarka ah u tababaran ee DANAB ayaa waxaa saakay ay howlgallo ka sameeyeen tuuloyin ku dhow degmada Jamaame ee G/Jubbada Hoose.
Ciidamadaan oo ka ambabaxay deegannada Baar-sanguuni ee isla gobolka Jubbada Hoose ayaa saraakiisha hoggaamineysa waxaa ay sheegeen inay la wareegeen tuulooyin dhowr ah oo hoos yimaada degmada Jamaame.
Mid ka mid ah saraakiisha howlgalkaas hoggaamineysa ayaa sheegay in Ciidamada ay la wareegeen tuulooyinka heynerow, soomarey, Janal ajey iyo Yirey,halkaas oo ay horay uga sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Sidoo kale Saraakiil ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Jubbaland oo howlgalka qeyb ka ahaa ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka lagu dilay 5 Ka mid ah Al-Shabaab sidoo kalena la soo qabtay 4 Xubnood waa sida ay hadalka u dhigeen.
Majira ilaa iyo hadda war kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab ee ku aadan sheegashada Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka inay Al-Shabaab kala wareegeen tuulooyin u dhow degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.




