Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay 129 muwaadin Soomaaliyeed oo ku dhibaataysnaa dalka Liibiya, kuwaas oo dib ula midoobay eheladooda iyo qoysaskooda.
Diyaaraddii siday muwaadiniintan ayaa 19 ka mid ah ka dejisay magaalada Hargeysa, halka 110 kale laga dejiyay magaalada Muqdisho.
Masuuliyiin ka tirsan dowladda, oo ay ka mid yihiin Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS, La-taliyaha Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Soo Celinta Muhaajiriinta iyo Xuquuqda Carruurta, iyo xubno ka socday Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, ayaa si diirran ugu soo dhaweeyay muwaadiniintan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Masuuliyiinta ayaa muwaadiniinta dib loo soo celiyay u jeediyay dardaaran iyo wacyigelin ku saabsan inay ka fogaadaan tahriibka sharci darrada ah iyo khataraha naf iyo maalba leh ee ka dhasha safarrada noocaas ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa xoojisay dadaallada lagu badbaadinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalalka dibadda, gaar ahaan kuwa ku xayiran waddamada ay ka jiraan colaadaha, tahriibka iyo xaaladaha adag ee bani’aadannimo.



