Daawo:-Sida Taliyaha Ciidamada AMISOM loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug waxaa goordhow gaaray Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM  ee jooga Soomaaliya Ticabu Yilma & Saraakiil la socota,iyada oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Taliyaha oo u dhashay dalka Itoobiya ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee Magalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Taliyaha Qaybta 21aad iyo Taliyaha Danab ee 21aad ee Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed,waxaana taliyaha uu wataa Ciidamo gaar ah oo ammaankiisa ilaalinaya.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in haatan uu kulan Magalada Dhuusamareeb uga socdo Guud ee Ciidamada AMISOM   Soomaaliya Ticabu Yilma iyo Xubno Wasiiro ah oo uu ka mid yahay Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale oo maalmahaan ku sugan Magalada Dhuusamareeb.