Mareykanka iyo Iran oo markale weerar dhexmaray.

Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in uu qaaday duqeymo horleh oo ka dhan ah Iran, kuwaas oo lagu beegsaday ku dhowaad 90 bartilmaameed oo milatari oo ku yaalla xeebaha dalkaas.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in duqeymahan looga gol leeyahay in lagu wiiqo awoodda Iran ee ay ku weerari karto maraakiibta ganacsiga iyo maraakiibta rayidka ee maraya Marinka Hormuz.

CENTCOM ayaa sheegay in bartilmaameedyada la garaacay ay ka mid ahaayeen nidaamyada difaaca cirka, qalabka dabagalka xeebaha, bakhaarro lagu keydiyo gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, awoodaha badda ee Iran, iyo kaabeyaasha saadka milatari ee ku teedsan xeebaha Iran.

Sidoo kale, CENTCOM wuxuu xusay in duqeymahan cusub ay daba socdaan weerarro kale oo habeenkii hore lagu qaaday gudaha Iran, kuwaas oo ay ku tilmaameen kuwo guul ku dhammaaday.

Duqeymahan cusub ayaa imanaya maalin kadib markii ciidamada Mareykanka ay sheegeen inay weerareen in ka badan 80 bartilmaameed oo ku yaalla Iran.

Dhanka kale, Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC) ayaa ku dhawaaqay inay weerarro ku qaadeen saldhigyo Mareykan ah oo ku yaalla Kuwait iyo Bahrain, iyagoo sheegay in tallaabadaas ay qeyb ka tahay wajiga koowaad ee “jawaab ciqaabeed” oo ay uga falcelinayaan weerarradii ugu dambeeyay ee Mareykanka ku qaaday Iran.

War ay baahisay telefishinka dowladda Iran ee IRIB, ayaa lagu sheegay in ciidamada badda iyo cirka ee IRGC ay si wadajir ah u fuliyeen howlgal gantaallo iyo diyaarado drone ah, saacado yar kadib weerarradii Mareykanka.

IRGC waxay sheegtay in la beegsaday saldhigga Camp Arifjan iyo Ali Al Salem Air Base ee dalka Kuwait, iyo sidoo kale saldhigyada Juffair iyo Sheikh Isa ee dalka Bahrain.

Xiisaddan sii xoogeysaneysa ayaa muujineysa in iska horimaadka u dhexeeya Mareykanka iyo Iran uu galay marxalad halis ah, iyadoo laga cabsi qabo in uu saameyn ku yeesho amniga gobolka iyo isu socodka maraakiibta caalamiga ah ee marinka muhiimka ah ee Hormuz.