Taliyaha Asluubta oo shir uga qeyb-galaya Austria

Austria-RisaalaFM- Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyed Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa shir uga qeyb galaya xarunta Qaramada Midoobay ee dalka Austria.

Bashiir Maxamed Jaamac ayaa dalkaasi Austria uga qeyb galaya shir socon doona 3 maalmood, kaas oo looga ga hadlaayo arrimo badan oo ay kamid yihiin ka hor tagga dambiyada, horumarinta nolosha iyo mustaqbalka Maxaabiista.

Taliye Bashiir Goobe ayaa waxaa kale oo uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa dowladaha Shirka ka soo qeyb galaya, isagoo kala hadli doona sidii ay iskaashi buuxda ay u yeelan lahaayen dhanka ciidanka Asluubta iyo Horumarinta Nolosha Maxaabista.

Taliyaha marku shirka soo gabo gaboobo waxaa lagu wada in uu sidoo kale kulamo la qaato Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Austria, kuwaas oo uu kala hadli doono taliyaha sidii ay gacan uga geysan lahaayeen dib u dhiska dalka.