Taiwan-RisaalaFM- Dowladda Taiwan ayaa waxa ay heshiis iibsi Radaar ilaaliya amaanka Xeebaha Soomaaliya la gashay shirkad Mareykan ah oo ku takhasustay ilaalinta Xeebaha iyo Maraakiibta maraysa biyaha intaba.
Shabakadda Raadaarka ah waxa ay leedahay 5 qeybood oo isgaarsiin ah iyo Saldhigyo laga sameynayo xeebaha Dekedaha 5 magaalo oo ka tirsan Soomaaliya oo kala ah Muqdisho, Berbera, Kismaayo, Boosaaso iyo Hobyo waxayna shabakadan ka saacideysaa dekedahaasi amniga Maraakiibta iyo maamulka howlaha Dekedehaasi.
Sidoo kale qorshan ayaa ah mid lagu saacidayo howlgalka midowga Yurub ee afduubka ka ilaaliyaha Maraakiibta xamuulka qaada ee maraya biyaha Xeebaha badaha Somaliya.
Heshiiskaasi oo ay wada saxiixeen shirkad midowga Yurub hoos tagta iyo wakiil ka socoday Dowlada Taiwan waxaa ku baxayaa lacag dhan 166 Miliyan doollar,taasi oo ujeedkoodu yahay in lagu horumariyo isgaarsiinta badaha somaliya si ay Maraakiibta ugu sahasho inay nabad gelyo ku maraan iyo si si deg deg ah loola xiriiro hadii shil ama dhibaato kale ay qabsato Maraakiibta xamuulka sida ee caalamiga ah.
Dhanka kale Wakiilka Shirkada ” OBP، ayaa sheegay in ay shirkadiisu aad ugu faraxsan tahay Qorshana shabakada Raadeerka ah oo lagu hagaajiyo xaalada amni ee Xeebaha ku teedsan Badaha Somaaliya si looga hortago ayuu yiri” khatarka ku imaan karta Maraakiibta Dowliga ah iyo kuwa Goboleedka intaba.
Raadarkan ay dowladda Taiwan ku tala jirto inay ka sameyso Xeebaha Somaliya wuxuu kaloo ka saacidayaa ciidanka Badda Soomaaliya sidii ay macluumaad badan u heli lahayeen isla markana u gudan lahayeen shaqada ee loo idmay.


