Arizona-RisaalaFM- Feeryahankii caanka ahaa Maxamed Cali Kalaay oo Todobaadkan gudihiisa ku geeryoodey Isbitaal ku yaala magaalada Phoenix ee gobolka Arizona ayaa waxaa la sheegay in aaskiisa ay ka qeyb gali doonaa Madax fara badan oo ka kala socota wadamada caalamka.
Madaxda ka qeyb galeysa aaska Maxamed Cali Kalaay ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Boqorka Jordan Boqor Cabdallah.
Aaska Maxamed Cali Kalaay ayaa waxaa lagu wadaa inuu dhaco maalinta jimcaha, iyadoo ay ka qeyb geli doonaan madax badan oo caalamka ah.
Afhayeen u hadlay qoyska Maxamed Cali Kalaay ayaa sheegay in aaska uu maalinta jimcaha ka dhici doono magaalada Louisville ee gobolka kentucky oo ah halka uu ku dhashay.
Maxamed Cali Kalaay oo ahaa Halyeey ku weyn qalbiyada shacabka aduunka ayaa safka hore kaga jiray Feeryahanada Waaweyn ee Taariikhdu mar walba ay xusi doonto.


