Liibya-RisaalaFM- In ka badan 700 oo muhaajiriin ah ayaa laga soo badbaadiyay badda Mideterraneanka sida uu baahisay Hay’ad lagu magacaabo 4ml oo wada shaqeyn la leh Golaha Qaxootiga Denmark (The Danish Refugee Council).
Markab laga leeyahay dalka Spain ayaa soo badbaadiyay dadkan oo ka soo tagay dhinaca Libya iyaga oo ku sii jeeday wadanka Talyaaniga.
Ciidamada badda Spain ayaa soo bandhigay sawirada dadka la badbaadiyay oo gurmad loo sameynayo sida Wargeyska Daily Mail uu sheegay.
Kumanaan muhaajiriin ah ayaa maalin waliba laga soo badbaadiyaa badda waxaana sanadkan ku dhintay badda Mediterraneanka 2,814 qof tan iyo bishii Janaayo ee sanadkan halka sanadkii 2015 ay ku dhinten 3,771 ruux.
Sidaas awgeed safaaradda Somaaliya ee Liibya, ayaa waxa ay sheegtay dhamaan dhallinyarada Soomaaliyeed, kuwa jooga Libya, kuwa soo socda iyo kuwa ku haminayaba in dhoofkii ay soo galaan dhoofka badda ee Libya ay noqotay arrin aan soconaynin Waxaana ay safaarada kula talisay dhalinyaradaas in ay ka shaqaystaan Liibya ama dib uga noqdaan dalkooda.
Dad badan oo Soomaali ah ayaa ka mid ah daadkasi dhintay inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin tirada dadka Soomaalida ah ee badda ku dhintay sababo la xiriira Hey’addaha dowladda oo aan weli u diyaarsanayn.


