Sanaag-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya deegaano ka tirsan gobolka Sanaag ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal xoogan uu ka socdo halkaasi.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu udhaxeeyo ciidamada Puntland iyo Soomaaliland, waxaana dagaalka uu yahay mid xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan Hubka nuucyadiisa kala duwan.
Dagaalka ka dhex qarxay labadan maamul ayaa yimid kadib markii maalmahan uu udhaxeeyay isqab qabsi la xiriira gobolada Sool iyo Sanaag oo dhinac kasta uu sheeganayo in uu ka tirsan yahay maamulkiisa.
Ilaa iyo hada lama xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah ee uu geystay dagaalkan ka socda gobolka Sanaag.


