DHAGEYSO: Midowga Afrika oo dooranaya Madaxda Gudiyada

Ruwanda-RisaalaFM- Waxaa la filayaa in hogaamiyayaasha dalalka Afrika ee ku shiraya magaalada Kigali ee dalka Ruwanda, ay doortaan xubnaha cusub ee maamuli doona gudiga Midowga Afrika.

Waxaa maalmahan socotay hadal hayn ah in doorashada dib loo dhigi doono, balse taas ayuu hadda Midowga Afrika meesha ka saarayaa.

Musharraxiinta u tartamaya jagada gudoomiyaha gudiga Midowga Afrika ayaa ka kala socda dalalka Uganda, Botswana iyo Equatorial Guinea, waxaana qofka guuleysta uu bedeli doonaa Nkosazana Dlamini-Zuma, oo Koonfur Afrika u dhalatay.

Sidoo kale, hogaamiyayaasha qaaradda ayaa la filaya in maanta ay ka arrinsadaan la dagaallanka argagixisada, iyo in ay yeeshaan sanduuq dhaqaale oo gaar u ah la dagaallanka ururada xagjirka ah ee Afrika.

Shalay ayay aheyd markii Afrika ay bilowday baasaboor cusub oo qaaradda oo dhan ka dhexeeya, kaas oo la siin doono dadka oo dhan kaddib marka uu si rasmi ah u dhaqan galo.

Baasaboorkan oo ah mid ay maamuleyso hay’adda Midawga Afrika ayaa lagu bilaabay madaxweynaha dalka Chat oo sidoo kale ah madaxa Midawga Afrika, Idris Debi iyo madaxweynaha dalka martigelinaya shirka ee Rwanda, Paul Kagame.

Magaalada Kigali ee dalka Rwanda oo baasaboorka lagu soo bandhigay waxaa ka socdo shirka madaxda Afrika ee 27-aad, kaas oo sidoo kale looga hadlayo xaaladda Sudanta Koofureed, miisaaniyadda qaaradda iyo doorashada golaha Midawga Afrika.