Tababaraha Chelsea Maurizio Sarri ayaa diyaar u ah inuu Eden Hazard ka dhigo kabtanka cusub ee kooxda si xiddiga reer Belgium uu usii joogo Stamford Bridge.
Hazard ayaa gaarsiiyay Belgium semi-finalka Koobka Aduunka xagaagan, waxaana 180 milyan oo gini haatan ku raadineysa Real Madrid.
Laakiin Chelsea ayaa go’aansatay haatan inaysan iibin ciyaaryahanka, iyadoo loo gacan galin doono Kabtanimada kooxda si loo qanciyo 27 jirkaan.
Bules ayaa dooneysa inay qandaraas cusub ka saxiixdo ciyaaaryahanka oo ka gadoodsan lasii joogista kooxda.
Tababare Sarri, oo kaliya la shaqeynaya kooxdiisii cusub wax ka yar isbuuc ayaan weli go’aan kama dambeysta ah ka gaarin xaaalada ciyaaryahanka.
laakiin Hazard, oo ah kabtanka Belgium, ayaa ku jira liiska musharaxiinta u taagan kabtanimada kooxda oo ay sidookale ay u tartamayaan daafaca reer Spain Cesar Azpilicueta iyo ciyaaaryahanka qadka dhexe ee Cesc Fabregas.




