Tababaraha England Hodgson oo iscasilay

Tababaraha kooxda England Roy Hodgson ayaa xalay iscasilay kaddib markii looga adkaaday 2-1, waxayna la ciyaareen Iceland.

England ayaa sidaasi uga baxday tartamada Euro 2016ka.

Macallinka oo 68-sano jir ah waxa uu xilka la wareegay afar sano ka hor, wuxuuna badalay Fabio Capello oo Taliyaaniga u dhashay.

Mudadii uu xilkaasi yahayna waxa uu guuleystay 11 cirood oo kamid ah tartamada caalamiga ah.

Iceland – waa mid kamid ah kooxaha ugu hooseeya ee Yurub. Shacabkeedana waxaa lagu qiyaasaa 330,000.

Hodgson ayaa sheegay in la joogo xilli tababare cusub loo qoro xulka qaranka ee England.

Ciyaartan

England ayaa goolka la hormartay wuxuuna ahaa gool ku laad uu dhaliyay Rooney kaddib markii gool hayaha Iceland Hannes Thor Halldorsson uu jallaafeeyay Raheem Sterling.

Laakiin taasi macno uma sameynin England, Laba daqiiqo kadib ayaa goolka barbardhaca waxaa ka dhaliyay Ragnar Sigurdsson

Markey ciyaarta mareysay 19 daqiiqo, qeybtii koobaad waxaa gool labaad kaga naxsaday Kolbeinn Sigthorsson.