Soomaaliland iyo Imaaraadka oo heshiis kala saxiixday

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa Maanta waxa uu kulan la qaatay Amiirka Dalkaasi, iyaga oo ka wada hadlay qodobo dhowr ah.

Geba gabada kulanka ayaa labada mas’uul waxa ay kala saxiixdeen heshiisyo ka kooban dhowr qodob,kuwaas oo kala ah.

1- Xoojinta xiriirkaka Soomaaliland iyo Imaaraadka.

2- Dardargelinta mashaariicda
3- Horumarinta kaabayaasha dhaqaale
4- Furitaanka Suuqa Xoolaha iyo kalluunka
5- Jaaliyadda Somaliland ee imaaraadka in simugleh looga qaybgeliyo shaqooyinka iyo helitaanka sharci.

Wakiilka Somaliland ee Imaraadka Carabta ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland iyo madaxda Imaraadka Carabtu ay qodobadan is-afgarad ka gaareen, isla markaana dhawaan la dhqan gelin doono.

Soomaaliland iyo Imaaraadka Carabta ayaa waxaa haatan u bilaawday xiriir cusub,waxana dowladda Imaaraadka ay Saldhig Millateri ka furaneysaa Magalada Berbera.