Wadayaasha Soomaaliyeed ee dalka Maraykanka ayaa Cabasho ka muujiyey midab-takoor ay kala kulmaan bulshada Maraykanka ah.
Soomaali badan oo kunool dalka maraykanka ayaa ka shaqeysta wadida gawaarida dad weynaha ,kuwa iskuulada, iyo goobaha shaqadda kuwa dadka u qaada.
Soomaalida kunool gobolka Minnesota dalka Maraykanka waxa ay sheegeen in ay ku dhow yihiin in ay shaqadda joojiyaan ka dib markii ay soo korortay dhibaatooyinka ku salaysan midab-takoorka oo ay kala kulmayaan dadka ay u adeegaan,waxaana la tilmaamay in dhibaatada ugu badan ay kala kulmaan bulshada Maraykanka ah oo ay gawaarida u wadaan iyo kuwa rakaabka ah.
Mahmud Kanyare oo ka mid ah hogaamiyaasha Soomaaliyeed Minnesota ayaa warbaahinta u sheegay in ay jiraan dhibaatooyin ku saleysan midab-takoorka”waxaa jiraa waxyeelo aan qarsoonayn oo ay la kulmaan wadayaasha Soomaalida ah ee kunool Maraykanka waxbadan ayaan kala hadalnay maamulka gaadiidka iyo kuwa xuquul insaanka laakiin majiraan wax laga qabtay ayuu yiri” mahamuud kanyare .
Inta badan Soomaalida kunool dalka maraykanka ayaa la kulma dhibaatooyin kala duwan haba ugu horeeyse midab- takoorka.
xigasho startribune


