Indonesia”Ma doonayno inaan aragno Baddeenna noqoto sida Badda Soomaaliya

Dowlada Indonesia ayaa sheegay in aysan doonayn in burcad badeed la mid ah mida soomaaliya in ay ka dilaacdo xeebaha u dhaxeeya Indonesia iyo Filibiin.

Wasiirka amniga dalka Indonesia oo warbaahinta kula hadlay magaalada Jakaarta ee Caasimadda in Indonesia ayaa sheegay in jiraan cabsi xoogan oo ku aadan burcad la mid ah kuwa Soomaaliyeed in ay ka dilaaceen xuduuda u dhaxaysa la dal.

“ma doonayno in baddeenu ay noqoto badda Soomaaliya oo kale,sidaas darteed waxaana qaadi doono tilaabo ku haboon kuwa afduubka ka geysanaya badda u dhaxeeysa Filibiin iyo Indonosia”sidaas waxaa yiri wasiirka amniga Indonosia Luhut Pandjaitan

Wasiirka  ayaa xusay inay Taliyayaasha Ciiddamadda ee dalalka Indonesia, Malaysia iyo Filibiin bisha soo socoto ee May 3-da kulan ku yeelan doonaan magaalladda Jakarta.

Koox u dhaqan eg burcad badeeda Soomaalida ayaa ka dilaacaday xeebaha Filibiin iyo Indonesia