Somaliland oo mar kale ku eedeysay DFS dilkii Cabdinaasir Dahable

Wasiir Kuxigeenka Arimaha Gudaha ee Somaliland Cabdillaahi Xuseen Maxamed oo Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa ku  Eedeeyay  Dawladda Federaalka Soomaaliya masuuliyadda geerida Cabdinaasir Muuse Dahable, oo ahaa sarkaal ka tirsan hay’adda dulimaadka rayidka Soomaaliya oo maydkiisa laga helay gurigiisa bishii Febraayo ee sanad kan.

Wasiir Cabdillaahi ayaa sidoo kale sheegay in dadka u xiran dilka Cabdinaasir Dahable la jirdilay si ay u qirtaan buu yiri dambiga lagu eedeeyay.

Baaris ay si iskood ah u sheegeen in ay sameeyeen ayay ku tilmaameen in madaxda Dawladda Federaalku ka dambeeyeen dilka Cabdinaasir Dahable .

Sidoo kale  Wassiir ku xigeenka Arimaha Gudaha Somalilnad Cabdillaahi Xuseen Maxamed ayaa ku Eedeeyay Madaxweyne Xasan sheikh in uu bixiyay Amarka dilka Cabdinaasir Dahable .

Dawladda Soomaaliya ma soo saarin go’aanka kama dambeysta ah ee natiijada baarista dilkii cabdinaasir Muuse Dahable loogu gaystay Muqdisho.