Maxay ka Wada hadleen wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya iyo qaar ka mid ah madaxda Dawlad goboleedyada ?

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa  Muqdisho kulammo salaan iyo isxogwareysi ah kula qaatay qaar ka tirsan Madaxda  Dowlad Goboleedyada  dalka .

Wasiir Xoosha ayaa booqasho ugu tagay Madaxweynayaasha Maamul Gobaleedyada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Madaxda Dawlad goboleedyada Hirshabeelle KGS iyo Galmudug ayaa sidoo kale Saacadihii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho kulamo xasaasi ah kula yeeshay Maxda  Sare ee Dawlada Federaalka Soomaaliya  ,iyagoo ka wada hadlay xaalada Dalka iyo doorashooyinka ku soo fool dawlad goboleedyada qaar ee dalka .