Israa’iil iyo Lubnaan oo gaaray heshiis hirgelinta xabbad

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in Israa’iil iyo Lubnaan ay gaareen heshiis lagu hirgelinayo xabbad-joojintii ay hore u wada galeen, taas oo dhaqan geli wayday

Tani waxay imaaneysaa kadib markii ugu yaraan sagaal qof ay ku dhinteen weerarro ay Israa’iil ka fulisay koonfurta Lubnaan maalintii Arbacada oo keliya.

Sida lagu sheegay heshiiska, shuruudda ugu weyn waa in si buuxda loo joojiyo waa weerarrada ay Xisbullah ku hayso Israai’iil.