Shirarka siyaasadeed oo laga mamnuucay Magaalada Dhuusamareeb

Maamulka magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa soo saarey Amaro hdowr ah oo ku socda Shacabka Magaaladaas iyo mid ka dhan ah Shirarka Siyaasadeed ee looga soo horjeedo Maamulka Galmudug.

War-Saxafadeed  kasoo baxay Maamulka Magaalada Dhuusamareeb ayaa marka hore waxaa Shacabka lagu wargeliyey in Dhul aan Maamulka Magaalada la soo ogaysiin aan la dhisi karin iyo Amaro kale.

Guddoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb Ibraahim Macalin C/raxmaan Geeda-Qorow ayaa sheegay in Bulshada Magaalada Dhuusamareeb iyo waliba ciidamada uu qof waliba dhul iska cabirtay taasina ay tahay mid mamnuuca ah, iyada oo aan la ogeeysiin Maamulka Magaalada.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Guddoomiyaha  in Gudaha Magaalada Dhuusamareeb aan lagu qaban karin Shirarka Siyaasadeed ee looga soo horjeedo Maamulka Galmudug,ciddii qabatana ay tallaabo ka qaadi doonaan.