Magaalada Baledweyne waxaa ka socda kulamo kala duwan oo lagu doonayo in lagu qanciyo Odayaasha diidan ka qaybgalka Shirka Jowhar.
Kulamadan ayaa waxa ay ka socdaan Magaalada Baledweyne, waxaana hormuud ka ah maamulka Gobolka iyo Wasiirka Arimaha gudaha Somaliya oo weli ku sugan Magaaladaasi.
Wararka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah beelaha dega Gobolka Hiiraan ay diidan yihiin ka qaybgalka Shirka Jowhar.
Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo ku sugan Magaalada Baledweyne ayaa isku dayaya inuu qanciyo Odayaasha Dhaqanka reer Hiiraan qaarkood oo diidan ka qaybgalka Shirkaasi.
Lama oga natiijada ka soo bixi doonto wada hadalada ka socda Magaalada Baledweyne, inkastoo Odayaasha Dhaqanka ee ka qaybgalka Shirka Jowhar diiday ay isku diyaarinayaan in Shir Dib u heshiisiin ah ay ka furaan Magaalada Baledweyne.
Shalay ayeey aheyd markii Magaalada Jowhar ay gaareen qaar ka tirsan Odayaasha Dhaqanka reer Hiiraan oo aqbalay ka qaybgalka Shirkaasi.


