DHAGEYSO: Puntland “Waxba lagama badalin mowqifkeenii”

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ka sheegay in wali waxba aysan iska badalin mowqifkii ay ka qabeen nidaamka 4.5.

C/xakiin Xaaji Cumar Cameey, wuxuu sheegay in Puntland waxba aysan ka badalin wadahadal ay kula jirto dowlada Soomaaliya walina magaalada Garowe ku sugan yihiin wafdiga Cumar C./rashiid.

Madaxweyne kuxigeenku wuxuu sheegay in aysan marnaba ka tanaasuli doonin go’aankoodii in aan la qaadan nidaamka 4.5, isagoo cadeeyey in aysan jirin wax horumar ah oo laga gaaro wada hadalada Garoowe.

Sidaas oo kale madaxweyne kuxigeenka oo ah gudoomiyaa guddiga Abaaraha ayuu ka hadlay sidii Gargaar loogu sameyn lahaa dadka abaaruhu sameeyeen, Sidaas oo kale dhinaca Amniga iyo taakuleynta ciidamada ayuu ka hadlay.

Hoos ka dhageyso shirkiisa jaraa’id