Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa goor dhaw ka degay Magaalada Garoowe ee xarunta u ah maamulka Puntland.
Wafdiga Madaxweynihii hore ee Sooomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada garowe, waxaa ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Dani.
Sheekh Shariif ayaa Magaalada Garoowe kaga qeyb geli doono Munaasabad lagu caleemasaarayo Madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland.




