Shaqaale ka tirsan Isbitalka Deva oo Turkish ku jiraan ayaa muqdisho lagu dilay

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Weerar lagu qaaday Shaqaale Turkish ah oo marayay Xaafadda Taleex ee Degmada Hodan Ee Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in Weerarka ay ku dhinteen Saddex Ruux oo Labo ka mid ah ay yihiin Shaqaale Turkish ah oo u shaqeynayay Isbitaalka Deva oo ku yaalla Magaalada muqdisho iyo Nin Soomaali ah.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in weerarka ay geysteen koox Hubeysan oo watay Gaari, kuwaas oo weerarka ka dib goobta ka baxsaday sida la sheegay

Ciidamada Ammaanka Dowlada Fedeaalka Soomaaliya ayaa gaaray Goobta weerarku uu ka dhacay ee xaafadda taleex ee degmada Hodan, waxayna halkaasi ka wadaan baaritaano.

Ma jirto wali Cid sheegatay weerarka lagu dilay shaqaalaha Turkishka ah iyo muwaadinka soomaaliyeed.

Wixii warar ah ee soo kordha kala soco Radiorisaala.com