DHAGEYSO:- Shirarka ka soconayo Garoowe oo weli la isku mari la ‘yahay

R’isal Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar  C/rashiid Cali sharmaake ayaa magaalada garoowe kulamo kula leh madaxda maamulka Puntland.

Kulamada ayaa ah kuwa madaxda puntland lagu qancinayo iyo kuwa kale oo loogu dhaadhicinayo iney ogolaadaan nidaamka 4.5.

Kulamada ayaa hada maraya meel xasaasi ah, waxaana maanta si gaar gaar ah u kulmay labada guddiga ee ka kala socda Dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in iminka la isku soo dhawaaday oo labada dhinac ay wada hadaladooda meel xasaasi ah marayaan oo rajo wanaagsan laga qabo sida ay inoo sheegeen saxafiyiin ku sugan garoowe.