Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Weerarkii lagu qaaday shaqaale ka tirsan Isbitaalka Deva oo isugu jiray kuwa u dhashay Dalka Turkiga iyo kuwa Soomaali ah.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in lix ka mid ah shaqaale Turkish ah ay ku dhaawacmeen weerarkaasi.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ay dhinteen labo ka mid ah ah shaqaalaha Turkida ee Isbitaalka Deva iyo labo qof oo ahaa muwaadiniin soomaaliyeed.
Markii la weeraraayay ayaa waxay maraayeen shaqaalahaasi xaafada Taleex ee magaalada muqdisho.
kooxihii weerarka geystay ayaa watay gaari, waxaana la sheegay iney goobta ka baxsadeen.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Hay’adaha amaanka ee Dowlada federaalka soomaaliya, iyo sidoo kale Masuuliyiinta Isbitaalka Deva


