Shangaani iyo Waaberi oo ku balansan Tartanka Degmooyinka Risaala

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa galabta Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala ku balansan Degmooyinka Shangaani iyo Waaberi oo Labaduba ku yaala gobolka Banaadir.

Waxaana Tartankan ka qeyb galaya 16 Degmo oo Labo kamid ah ay ka socdaan gobolka Shabeelaha Hoose halka 14-ka kalena ay ka socdaan gobolka Banaadir.

Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala ayaa waxaa taaba galineysa Shirkadda Cabitaanada COCA COLA oo dalka keenta cabitaano dhadhankooda uu aad u sareeyo.

Tartamayaasha Degmooyinka Shangaani iyo Waaberi oo aan goor dhow qadka telefoonka kula xiriirnay ayaa inoo sheegay in taratnka galabta ay diyaar uyihiin si wanaagsan ay usoo diyaar garoobeen.

Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala ayaa waxa uu maanta gali doonaa maalinkii 13-aad iyadoo tartanka uu socon doono ilaa iyo gaba gabada Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Tartanka ayaa waxa uu bilaaban doonaa Saacadu marka ay tahay 04:00 Galabnimo Insha Allah.