Wayne Rooney ayaa gudanaya doorka aabo-nimada xili uu sidoo kale waajibaadkiisa qaran uu ku qaadanayo Euro 2016.
Kabtanka xulka England ayaa ka tagay Hotel-ka xiddigaha England si uu booqdo xaaskiisa iyo caruurtiisa oo iyaguna ku sugan France.
England waxaa ay dagan tahay Chantilly, laakiin Rooney ayaa u baxay inuu la kulmo xaaskiisa Coleen iyo caruurtiisa Kai iyo Klay.
Kabtan Wayne ayaa caruurtiisa u qaaday magaalada si ay usoo dukaameystaan kadib markii ay England 2-1 uga badisay Weles ciyaar ka dhacday magaalada Lens.
Rooney ayaa ciyaar qiimo leh soo bandhigay labadii kulan ee xulka England uu ciyaaray koobka qaramada Yurub waxaana loo magacaabay xiddiga ciyaarta kulamadii ay wajaheen Russia iyo Weles.
Wiilasha Roy Hodgson ayaa kulankooda ugu dambeeya ee Group-ka B la ciyaari doona Slovakia ciyaar ka dhici doonta magaalada Saint Etienne.


