DHAGEYSO:Maamulka Puntland oo ka soo horjeestay Guddigii Saxaafadda

Maamulka Puntland ayaa kasoo horjeestay guddigii saxaafada ee ay dhawaan meelmariyeen golaha wasiirada dowladda Soomaaliya

Wasiirka Wasaarada warfaahinta maamulka Puntland Maxamuud Xasan Soocade ayaa sheegay in maamulka Puntland ay kasoo horjeedaan go’aanka ay qaateen golaha wasiirada.

Wasiirka Soocade ayaa sidoo kale sheegay in puntland ay xubin leedahay guddigaas laakiin aysan ahayn shaqsidii puntland ay usoo dirtay in loo magacaabo.

Dhawaan golaha Wasiirada dowladda Soomaaliya ayaa meelmariyey guddiga Saxaafada qaranka oo uu u soo gudbiyey wasiirka warfaafinta dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir