Shan milyan oo Soomali ah oo la sheegay inay cunto la’aan hayso

Kudhawaad  38 Hay’adood oo ka shaqeeya gargaarka oo ay ka mid yihiin Hay’addaha Oxfam,Relief International ,World Vision ayaa waxa ay sheegeen in abaaraha Soomaaliya ay kasii darayaan.

Warbixin ay si wadajir ah usoo saareen ayaa waxa ay ku sheegeen in baarta Soomaaliya ay sameyn Ba’an ay ku yeelatay dad isugu jira Xoololey, Beeraley , kulluumeysato.

Waxa ay sheegeen hadii aan loo gargaarin dadkaasi in ay Qarka u saaran yihiin in ay u dhintaan Abaaraha haysta.

Tirada Guud ee dadka Wajaahaya abaaraha ayaa waxa ay ku sheegeen in ay gaarayaan ku dhawaad 5 Milyan oo qof.

Qaarkood waxa ay sheegeen in ka dhammaadeen xoolihii ay dhaqan jireen.