DHAGEYSO: Baaris ku socota Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland

Xeer Ilaaliyaha Puntland Maxamuud Xasan Cusmaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in baaritaano ay ku wadaan Masuuliyiin si sharci daro ah Xabsiyada ugu sii daayay Maxaabiis fara badan kuwaasi oo qaarkood ay Maxkamad Xukuntay.

Waxa uu sheegay in ay socdaan ayna jiraan Masuuliyiin sharci daro sameeyay sida uu sheegay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Xeer ilaaliyaha Gobol walba lagula Xisaabtamaya arrinta Masuuliyiintaasi ay sameeyeen.

Waxa uu sheegay in baaritaanka ay hada hayaan ay rajeynayaan in ay soo gabagabeeyaan go’aana ka soo saaraan sida uu sheegay.

Qaar ka mid ah Masuuliyiinta Puntland ayaa horay loogu eedeeyay iney Xabsiyada ka sii daayaan dadka Maxaabiista ah oo ay isku beelka yihiin kuwaasi oo qaarkood la sheegay in Maxkamada ay Xukuntay.