Maraakiib dagaal oo xalay duqeeyay degmo ka mid ah gobolka Bari

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaalada Qandala ee gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada maamulka Puntland ay ku dhow yihiin Magaalada Qandala.

Shalay dagaal culus oo dhexmaray ciidamada Maamulka Puntland iyo Kooxda Daacish ayaa lagu dilay 7 ka tirsan kooxda Daacish sida uu sheegay gudoomiyaha gobolka Bari.

Xalay ayaa Maraakiib dagaal waxa ay duqeeyaan Magaalada Qandala , waxaana la sheegaya in maraakiibtaasi ay leeyihiin ciidanka NATO.

Daacish ayaa Magaalada ka sameysatay dhufeysyo waa weyn oo ay adagtay in laga saaro.

Magaalada Qandala ayaa dabayaaqadii bishii October waxaa qabsatay kooxda dowladda Islaamka ee Daacish.