Wajeer-RisaalaFM- Culimaa’udiinka Waxgaradka, Odayaasha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magalada Wajeer ayaa ka Tacsiyadeyay Mashaqadii lagu hoobtay maalintii Sabtida ka dhacday Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.
Gudi ku hadlay afka Culimada iyo waxgaradka Wajeer ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin Xasuuqii oof wareenka ahaa ee lagu laayay maatida Magaalada Muqdisho ayna la Qeyb sanayaan Xanuunka dhibaatadaas Eheladii ay dadkooda Waxyeelada ka soo gaartay iyo guud ahaan Soomaali weyn.
Prof. Maxamuud Nuunow oo ka mid ah Culimada sida weyn looga yaqaan Gobolka Waqooyi Bari ayaa sheegay in ay bilaabayaan Aruurinta Wixii kaalmo ah oo ay awoodaan Shacabka ku dhaqan Magalada Wajeer.
Qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 280 qof, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 300 oo qof, sida ay sheegtay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
C/qani Maxamed, Radio Risaala, Kenya



