Shacabka Soomaaliyeed oo ka qeyb qaadanaya Barnaamijka Afuri oo hel laba Ajir

Muqdisho-RisaalaFM- Xarunta dhexe ee Idaacadda Risaala waxaa si habsami leh uga socda Barnaamijka Afuri oo hel laba Ajir, kaasi oo ujeedkiisa uu yahay sidii loo caawin lahaa shacabka Soomaaliyeed ee ka soo barakacay Abaaraha, kuna nool Duleedka magaalada Muqdisho.

Barnaamijkan oo socda 04:00 ilaa 05:00 Galabnimo maalin walba Bisha Ramadaan, ayaa waxaa ka qeyb qaata saaxiibada Risaala ee ku sugan gudaha iyo dibbada, waxaana ay ku deeqaan intii awoodooda ah.

Saddexdii maalmood ee Ramadaanka aynu soo dhaafnay waxaa la aruuriyay lacag dhan 855 oo Dollar, taasi oo ay bixiyeen dhageysatayaasha Risaala, si loo gaarsiiyo dadka u baahan gar gaarkan.

Barnamijkan ayaa soconaya ila dhammaadka Bisha Ramadaan, Dhaqaalaha la aruuriyo Todobaad, waxaa loo geyn doonaa shacabka Soomaaliyeed ee Abaaraha ay saameeyeen, ee ku nool Duleedka Muqdisho, kuwaasi oo sooma iyaga oo aan meelna waxba ku ogeyn.