Shabaab oo wadada u galay gaari Qaad siday

Balcad-RisaalaFM- Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe, xoogag ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa wadada u galay gaari Caasi ah oo Qaad siday.

Gaarigan ayaa maalin walba qaad ka soo qaada degmada Jowhar wuxuuna geeyaa degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana Qaadka ku soo rarta ganacsato Qaadka iibisa.

Duhurnimadii maanta ayaa Shabaab waxa ay wadada u galeen gaarigan oo marayay degaanka Ilbaq oo u dhaxeeya labada magaalo ee Jowhar iyo Balcad, kadibna rasaas ku furay gaariga.

Waxaa la xaqiijiyay in rasaastaasi ay ku dhaawacmeen laba qof oo midi uu yahay Darawalkii gaariga waday, waxaana dhaawacooda loo soo qaaday magaalada Muqdisho.

Ilo madax banaan ayaa waxa ay sheegeen Shabaabkii weerarka geystay inay kaxeysteen gaarigii Qaadka saarnaa, iyaga oo la aaday degaano halkaasi ka dhaw oo ay maamulaan.

Ciidamo ka tirsan Millariga Soomaaliya ayaa ku baxay ragga Shabaabka ah ee wadada u galay gaariga, waxayna wadaan hawlgal ay ku raadinayaan xubnahan.