Shabaab oo sheegtay dilka loo geystay C/kariin Firdhiye

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada dilka loo geystay Xeer ilaaliyihii Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Maamulka Puntland.

War Shabaabka ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayay ku sheegteen Mas’uuliyada dilka loo geystay Xeer ilaaliyihii Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Maamulka Puntland C/kariin Xasan (Firdhiye).

Dhalinyaro hubeysan Bastoolado ayaa bartamaha Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari waxa ay ku dileen Xeer ilaaliye C/kariin Xasan, kadibna waxa ay ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.

Magaalada Boosaaso ayaa maalimihii lasoo dhaafay waxaa ku soo badanayay dilka qorshaysan ee loo geysanayo Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland, waxaana dhowaan halkaasi lagu dilay Taliye ku xigeenkii Saddexaad ee Ciidanka Booliska Puntland Jaamac Saxardiid Cabdi iyo Agaasimhii Madaxtooyada Puntland Aadan Gaas Huruuse.