DHAGEYSO: Duqa Muqdisho oo baaq u diray Madasha Qaran

Muqdisho-RisaalaFM- Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta Dowladda Hoose ayaa si kulul uga hadlay in Magaalada Muqdisho laga qadiyo qeybsiga Aqalka Sare.

Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa soo hadal qaaday hadii tirada xubnaha Aqalka Sare lagu kordhiyay tiro hor leh muhiimada in ay aheyd in Magaalada Muqdisho la siiyo sadkii ay ku laheyd, waxaana uu tilmaamay xubnaha Madasha Qaran in ay uga fadhiyaan in ay cadeeyaan xuquuqda Gobolka Banaadir.

Waxa uu sheegay Gobolka Banaadir in uu yahay xarunta Dowladda Dhexe ay ku sugan tahay, loogana gurmado Gobolada Dalka.

Go’aanadii xalay ka soo baxay xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran ayaa lagu cadeeyay in la kordhiyay tirada xubnaha Aqalka Sare oo aheyd 54 xildhibaan, waxaana lagu daray 18 xildhibaan.