Serie A: Hordhaca kullanka Juventus vs Napoli

Juventus ayaa wajaheysa tijaabadooda ugu adag xilli ciyaareedkan marka ay caawa soo dhoweeyaan macallinkoodii hore ee Carlo Ancelotti iyo kooxdiisa Napoli.

Labada kooxood ee ugu sarreeya horyaalka Serie A ayaa hardankan uu dhex mari doonaa caawa.

Qaab wacan ayay ku wada billawdeen, maadaama Bianconeri ay wada adkaatay dhammaan lixdii kullan ee laga ciyaaray Serie A, halka Napoli keliya hal jeer qasaartay.

Yaa ka maqan? Yaa usoo laabtay? Yaa shaki laga gelinayaa ciyaartan?

Juventus ayaanan heli doonin Mattia Desciglio, Semi Khedira iyo Douglas Costa oo dhammaantood dhaawacyo qaba.

Halka Nalpes-ka ay weyn doonaan keliya Amen Younes, waxaase u dhammeystiran safkooda muhiimka ah.

Safafka macquulka ah ee kullankan kusoo billaaban kara

Juventus: Szczesny; Cuadrado, Bonucci, Chiellini, Sandro; Pjanic, Can, Matuidi; Bernardeschi, Ronaldo, Mandzukic.

Xaqiiqooyinka ciyaarta

Juventus ayaa ugu yaraan dhalineysay laba gool 10 ka mid ah 11 kii ciyaarood ee ugu dambeysay ay ku ciyaaraan garoonkooda.

Napoli ayaanan shabaqeeda laba kullan oo xiriir ah difaacanin tan iyo March kullamada horyaalka.

Labada naadi ayaa xilli ciyaareedkan ku dhibtoonaya darbooyinka waxaana ay tuureen keliya 49 darbo mid walba.

Cristiano Ronaldo ayaa ku lug-yeeshay 4 ka mid ah lixdii gool ee ugu dambeysay Bianconeri ku dhalisay Allianze, laba ayuu caawiyay laba kalena waa uu dhaliyay.

Massimiliano Allegri ayaa keliya Serie A kula kulmay Carlo Ancelotti laba jeer, mid waa ay bareejoodeen, midka kalena Ancelotti ayaa adkaaday.

Allegri ayaase Napoli ka gaaray Siddeed guul, lix jeerna bareejo ayuu la galay, halka Afar jeer la tumay.