SAWIRRO: Madaxweyne Muuse oo maanta daah-furay shirweyne

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta daah-furay shirweyne shaqo abuur loogu samaynaayo muwaadiniinta reer Somaliland, waxaana shirkaasi soo qaban qaabisay wasaaradda shaqo gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska.

Munaasibada lagu daah-furayey shirwaynaha shaqo abuurka ee heer qaran oo socon doona laba maalmood ayay ka soo qaybgaleen haldoorka Somaliland, oo iyagu falan qayn ku samayn doona labadaa maalmood midha dhalka shirkaasi la doonayo inay ka soo baxaan, waxana halkaasi ka hadlay masuuliyiin kala duwan oo ka socday xukuumadda, wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska, midawga yurub iyo hay’ado kale oo dhawra.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa yiri “Shirkani maanta ayuu inoo bilaabmay, waanu inoo furan yahay qodobada lasoo qaaday saddex uun baan ka xusi oo aan leeyahay aad haloo tix galiya qodobka koowaad shaqo muwaadin qaban karo waxa inoo gudoona inaanu qof ajaanibi ahi haynin, qolada ganacsatada ah ee ka dayrisay farsmo xumaanteena ama tidhi farsamada ma taqaanaan iyo wasaaradda shaqadaba ee ogolaanshaha ajanabiga haysaa ha isla hubiyaan in qofka ajanabiga ahi uu halkan u yimi shaqo aynu qaban karno sababtoo ah waxa aad loo hadal hayaa oo guux badani ka jiraa in shaqooyin aynu naqaano ay dad ajanabi ahi hayaan, waxaana loo nisbeeyaa badanaa shirkadaha gaarka loo leeyahay, arrintaas waxaynu u baahanahay in laysla hubsado. ayuu yiri Madaxweyne Biixi.