SAWIRRO: Maamulka Idaacadda Risaala oo furay Barnaamijka Afuri oo hel labo ajar

Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa galabta si rasmi ah u bilowday Barnaamij lagu magacaabo ” Afuri oo hel labo ajar”

Ujeedka Barnaamijkaan laga leeyahay ayaa waxaa uu yahay in bulshada Soomaaliyeed ay Afuriyaan walaalahooda Sooman hadana aan heysan waxyaabo ay ku Afuraan.

Agaasimaha Guud ee Idaacadda Risaala Maxamed Cabdulwahaab Cabdullaahi oo faahfaahiyay Sababta keentay in la baahiyo Barnaamijkaan ayaa waxaa uu sheegay in sanadkaan idaacadda Risaala ay doonayso in la garab istaago dadka Soomaaliyeed ee ay Abaaruhu saameeyeen ee kusoo barakacay gobolka Banaadir.

Agaasimaha ayaa sheegay in dadkaasi ay soomayaan haddana aysan haysanin waxyaabihii ay ku afuri lahaayeen .

Waxaa uu tilmaamay in Barnaamijkaan loogu tala galay dadka Soomaaliyeed ee wax heystaa in ay Afuriyaan walaalahood aan Afurka heysanin.

Agaasimaha ayaa Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan Barnaamijkaasi si loo garab istaago dadka aan Afurka iska bixinkarin.

Barnaamijka ” Afuri oo hel labo ajar” ayaa ah Barnaamijka Soonkaan ay idaacadda Risaala sida weyn ay diirada u saareyso.

Haddii aad doonaysid inaad ka qeyb qaadato Barnaamijka Afuri oo hel labo Ajar waxaad kala xariiri kartaa Ama aad ku shubikartaa Lambarka ah 0618003111

DSC_1031 DSC_1033 DSC_1046 DSC_1054