SAWIRO: Maamulka Idaacadda Risaala oo daahfuray Barnaamij loogu gurmanaayo Shacabka Beledweyne

Idaacadda Risaala ee Muqdisho ayaa maanta Bilowday Barnaamij loogu gurmanaayo dadka ay saameeyeen Fatahaadaha ee ku sugan maamul goboleedyadda Hirshabeelle , Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Barnaamijkaan ayaa loogu caawin doona dadka ku sugan meelaha ay saameeyeen Fatahaadaha Wabiyadda Shabeelle iyo Jubba oo ay ugu daran tahay Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Barnaamijkaan ayaa soo gali doona 4:00 Galabnimo maalinkaste Waxaana Munaasabad kooban oo lagu furayay lagu qabtay Xarunta Idaacadda Risaala ee Muqdisho oo ay kasoo qeyb galeen Culimo iyo maamulka Sare ee Risaala.

Sheekh Cabdiraxmaan iyo Sheekh Tuuryare oo ka mid ah Culimadda Soomaaliyeed ayaa dadweynaha Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan sidii loo caawin lahaa dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen Fatahaadaha Wabiyadda Shabeelle iyo Jubba.

Agaasimaha Guud ee Idaacadda Risaala Maxamed Cabdulwahaab Cabdullaahi oo faahfaahiyay Sababta keentay in la baahiyo Barnaamijkaan  waxaa uu sheegay in sanadkaan idaacadda Risaala ay doonayso in la garab istaago dadka Soomaaliyeed ee ay Fatahaaduhu saameeyeen.

Agaasimaha waxaa uu sheegay in Idaacadda Risaala ay kaashan doonto dadweynaha Soomaaliyeed oo inta badan looga bartay door muhiim ah in ay ka qaataan Barnaamijyadda lagu taageero dadka dhibaateysan ee ka baxa Idacadda Risaala.

Haddii aad doonaysid inaad ka qeyb qaadato Barnaamijka Gurmadka Fatahaadaha waxaad kala xariiri kartaa Ama aad ku shubikartaa Lambarka ah 0618003111.