Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa soo bandhigtay maaliyadda ay ciyaari doonto final-ka Champions League.
Kama dambaysta koobka Horyaallada Yurub ayaa Sabtiga soo aaddan la ciyaari doonaa waxaana madaxa is gelin doona labada kooxood ee Juventus iyo Real Madrid.
Kooxda reer Spain ee Real Madrid ayaa magaca labaad yeelan doonta oo micnaha loo aqoonsanayaa kooxda martida ah, waxaana ay dooq u haysataa inay xirato maaliyadii ay doonto iyadoo sidaa darteed dooratay midabka viola.
Funaanaddan ayaa waxaa xabadka uga qoran National Stadium of Wales iyo magacyada labada kooxood, waxaana durba bilowday iibkeeda.




